Labo Sanno iyo Dowlad Jilicsan

Labo Sanno iyo Dowlad Jilicsan

Labo Sanno iyo Dowlad Jilicsan

Friday 12 September 2014 | PenSomalia | Dowladdii Dhexe markii ay burburtay, waxaa dalka soo foodsaarayo khataro ka imaanayo dhinacyo Soomaali ah iyo dawlado cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo dalkii ka dhigay mid kala qoqoban oo khatar ugu jira in uu u kala gogo’o gobolo yay yar oo ay hogaamiyaa Jawaasiis iyo dabadhilifyo.
Waxa dalka ka socda Dagaalo Sokeeye oo u dhaxeeyo dhinacyo Soomaali ah sida Dowladda Federaalka iyo Xarakada Al-shabab iyo waliba dhinacyo kale sida Khaatumo iyo Somaliland. Iyadana meel xun marayo xaaladda noolaleed ee dadka sida Abaaro soo noqnoqday, cudaro iyo waliba Shaqo la’aan.

Waxaa dhinaca kale soo baxayo damac cusub oo ka imaanayo Dowladaha Dariska ah, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku boobaan dhulkeena, Waxaana tusaale u ah labo dhacdo oo midna ay Kenya ku boobtay dhul-badeed Soomaaliyeed midna ay Itoobiya ku sheegatay Degmada Saaxo ee ku taallo Gobolka Mudug.

Waxaa Iyada dalka ku socda Mashruuc burburin iyo kala goyn-goyn ah, Kaas oo ay iska kaashanayaa dalal cadow ah iyo kuwa damiir-laawayaal Soomaali ah,Waxaana mashruucaasi ka mid ah Nidaamka Federaalismka, Kaas oo hadaanan laga hortagin maanta keeni kara musiibo weyn oo ay adag tahay in laga soo waaqsado.

Dhinaca kale,Waxaa dalka jooga ciidamo shisheeye oo u dhaqmayo sida ay rabaan,Waxa ayna ciidamadani ku kacaan falal liddi ku ah Shareecada Islaamka iyo qawaaniinta dalka sida kufsi,dil iyo burburin hanti dadweyne, waxaana dhawaan lagu soo eedeeyey ciidamadan in ay kufsadeen dumar Soomaaliyeed gaar ahaan gabdho yar yar,taasoo ah arin aan marna la aqbali Karin.

Waxa ay dhacayaaan waxani oo dhan xilli ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo aad u jilacsan,taas oo ay majaraha u hayaan shaqsiyaad aan khibrad badan lahayn, islamarkaana qaarkood haysta dhalasho dalal kale. Shaqsiyadkan ayaanan lahayn damiir wadaninimo iyo mid diineed waxaana tusaale u ah hogaamintooda iyo dayaca na haysta.

Dowladdan tabarta yar, Ayaa la tacaaleysa arimo badan oo aysan tabar u haynin sida dagaalada lagula jiro kooxda Al-shabab,Maareyna arimaha la xariira federaalismka,Wadahadalada lagula jiro Maamul-Beeleedka Somaliland iyo ugu danbeyn soo celinta dhul-badeedkii la boobay.Arimahan aan xusan iyo kuwa kale oo badan ayaa u baahan in si guud looga wadashaqeeyo si looga baxo dhibaatadan iyo burburkan baabi’yey dalkii.

Hadaba haddii ay sidan u jilacsan tahay Dowladdii Dhexe, islamarakaana ay khataro badan ka soo socdaan Nidaamkan Federaaliska ah sidoo kalena uu jiro damac Shisheeye hadaba ma loo baahan yahay Axsaab Siyaasadeed oo u istaagta ilaalinta danaha Qaran Islamarkaana la xisaabtanta Dowladda.

Jawabtu waa haa maxaa yeelay ma jiro dal aan lahayn Axsaab Siyaasadeed oo Mucaarad ah marka laga reebo dalalka ay ka jirto kalitalisnimada sida wadamada Carabta oo kale.Axsaabta Siyaasadeed ayaa u taagan ilaalinta danaha qaranka sida Midnimada iyo Madax banaanida dalka, Waxa ayna mar walba la socdaan habdhaqanka Xukuumadda ama Xisbiga markaasi talada hayo.

Maadaama ay jiraan arimo badan oo khatar ku ah Midnimada iyo Madax banaanida dalka,Sidoo kalena ay jirto faragelin qaawan oo ka imaaneysa Dawladah Dariska ah hadaba waxaan leeyahay waxaa la joogaa waqtigii loo guuri lahaa nidaamka Axsaabta badan si loola xisaabtamo Xukuumadda hadda jirta.

Dhismaha Axsaab Siyaasadeed ayaa muhiim u ah arimo badan oo ay ugu horeeyaan dib-u-heshiisiinta,dhismaha hay’ado dowladeed oo waxtar ah,qebysiga kheyraadka dalka iyo ugu danbeyn xulashada nidaam dowladeed oo la isku waafaqsan yahay.Arimahan ayaanan la sameyn Karin Axsaab Siyaasadeed la’aantood waa say Aniga ila tahaye.

Waxaan qabaa in la joogo waqtigii ay Soomaalidu ka guuri lahayd nidaam beeleedka 4.5 uuna guuri lahayd nidaamka Axsaabta badan, kaas oo ugu danbeyn keenayo in ay dalka hogaamiyaan dad la soo doortay. Waa in la helhaa Axsaab leh Barnaamijyo Siyaasadeed oo u khidmeyn kara danaha Qaranka sida ka shaqeyn Midnimada,Dib-u-heshiisiinta iyo Dowlad wanaagga.

Waa in ay noqdaan Axzaabta aan dooneyno kuwa leh Barnaamij Siyaasadeed, Aataan, Goloyaal, Xafiisyo iyo Xubno joogta ah, Kuwaas oo awood u leh la xisaabtanka Xukuumadda iyo qeybaha kala duwan ee Dowladda sida Garsoorka iyo wixii la midka ah.Waa in ayasn Axsaabtu noqonin kuwa u dhisan qaab beeleed sida ay dadka qaar jecel yihiin.

Si mustaqbalka loo helo hanaan dowladeed oo wanaagsan,Kaas oo u khidmeeya Umadda,Islamarkaana ka shaqeeya gaaridda Himilooyinkeeda Waa in laga guuraa nidaamka hadda jira ee ay Siyaasiyiin iyo Oday beeleedyo dhexboodayaan Siyaasadda, Iyaga oo aan lahayn Barnaamij Siyaasadeed. Ma dooneyno mar kale madax ay soo doorteen Oday beeleedyo.

Maadaama ay jiraan aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan, Waa inaanan qofna laga horjoogsan furashada xisbi siyaasadeed sida ay sameeyaanba dalalka qaar.Kuwaas oo alla ku saladay dadka Islaamiyiinta oo aan dhihi karno waa dadka ugu nuxurka badan Mujtamicaadka Muslimiinta.Ma doonayno dal ay dadkiisu qaar yihiin Second Class Citizen.

Anigu waxa ay ila tahay inaan dalkan lagu halaynin Karin Wiilashaan yar yar ee Damu-jadiidka ee bilaa khibradda ah iyo xitta kuwan Qurba-joogta ee dhinac walba ka aradan. Waa in la helaa Axzaab Siyaasadeed oo la xisaabtanta Beesha Caalamka, Islamarkaana ka dhiidhisa faragelin qaawan ee ka imaaneysa Dowladaha Dariska iyo waliba boobkan cusub.

Ugu danbeyntii, Waxaan leeyahay Waa inaan ka guurnaa nidaam beeleedkan 4.5 una guurnaa nidaamka Axzaabta badan si uu dalkan u noqdo dal ay hogaamiyaan dad la soo doortay, islamarkaana ku hogaamiyaan rabitaanka dadka Soomaaliyeed, waa inaan meesha ka saarnaa Oday beeleedkan Ummiga ah iyo Siyaasiyagan daciifka ee aan Xaq iyo Baadhil midna kala aqoon.

Hadaba si looga baxo dhibaatadan, Islamarkaana loo helo Madax la soo doortay 2016,Waxan soo jeedinayaa talooyinka soo socda oo aan isleeyahay waxa ay naga caawinayaan inaan ka guurno nidaamka 4.5 Islmarkaaana aan meesha ka saaro Jawaasiista iyo Cumalada ay Itoobiya meesha ka soo buuxisay:-

In Xukuumadda iyo Baarlamaankuba soo dhameystiraan dhowrka Bilood ee soo socda Sharicigii hagi lahaa Axzaabta Siyaasadeed.
In ay bilaabaan Siyaasiyiinta,Aqoonyanada iyo Wadaadada Xukun doonka ah furashada Axzaab Siyaasadeed oo leh Barnaamijyo Qarameed.
Inaanan qof ama dhinac laga hor istaagin furashada Axzaab Siyaasadeed si qolo walba markeed loo tijaabiyo.
In Shacabka Soomaaliyeed loo daayo cidda ay dooranayaan sida ay sameeyaan Shucuubta kale ee xorta ah.

Read More: Madaxweyne Xasan oo Laba Sanno u Buuxsantey

Posted on September 13, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment