Muqdishaay indho u yeelo, Masiibada Puntland iyo Marqaatiyeynta Nuuradiin Diiriye!

imageRuuxaantaNews –  Muqdishaay indho u yeelo, Masiibada Puntland iyo Marqaatiyeynta Nuuradiin Diiriye! Bur burkii Soomaaliya wuxuu sababay in Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay noqoto, xaafado, degmooyin ama Gobolo aan isla jaan qaadi Karin. Xag siyaasad, dhaqaale iyo amni intuba. Waxaa la soo maray xili dalku ay ka talinayeen Hogaamiye kooxeedyo mudo dhowr iyo toban sano ah, gaar ahaan Koofurta Soomaaliya. Ka soo biloow maamulka la magac baxay Puntland ilamaa Laga gaadho xuduuda wadanka aynu jaarka nahay ee Kenya. Waxaa Iyana xigtay in talada ama maamulka koofurta soomaaliya 80% ay la wareegaan hogaamiye diimeedyo huwan shaar islaamiya, oo kala hadaf iyo ujeedo ahaa.

Waxey Maxaakiimtii islaamiga ahaa dagaal qaraar la galeen dowladii u madaxda ka ahaa Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, kuna soo hogaamisay Ciidama fara badan oo Eithiopiana gudaha Soomaaliya. Kuwaasoo colaad soo jireena ay u dhaxeysay iyaga iyo Soomaaliya qarniyo badan. Maxaakiimtii soomaaliya oo gacanta ku dhigay koofurta iyo bartamaha soomaaliya, intoodi badneyd waxaa ku yimid burbur dhan weliba ka saamayey. Waxaana ka soo hoos dhashay ururkii dhalinyarada ahaa ee la magac baxay (AL-SHABAAB). Aniga oo aan dooneyn inaan ku dheeraado taariikhdii Shabaab, Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxey sii horseeday in Jamhuuriyaddii Soomaaliya la isku oran jirey la sii kala aamin baxo. Sheekaduna waxey noqotay AMA AFKAAGA XIRO AMA ETHIOPIA AAD AMA GAROOWE VISSA SOOMAALIYA KU GAL AH KA SOO QAADO.

imageGaroowe oo ah hooyadii caqabada soomaaliya, waa isugu mid hadey xil qaran ka qabtaan ama aysanba ka qaban jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxey xudun u noqotay iyo saldhig adag in laga soo abaabulo qiyaano qaran, dibin daabyo iyo wax is daba marin ka dhan ah guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan koofurta soomaaliya. Koofurta soomaaliya oo inta badan aan laheyn maamulo goboleedyo ku taagan tiir adag oo dhihi kara, garoowow waanu kugu fahamnay lug gooyadaa ku saleysan isir naceybka iyo in gaal been loo sheego ee raali naga noqo. Taasina waxey u noqotay Garoowe fursad dahabiya oo ay kaga faaideystaan, iney dhaqaalena ku bixiyaan gobolo badan oo koofurta soomaaliya gaar ahaan Gobolada dhexe, Bartamaha iyo koofurta soomaaliya intooda badan. Ujeedaduna waxey tahay in koofurta soomaaliya aaney helin deganaansho siyaasadeed iyo amni ku saleysan nidaam dowliya. Hadii ay ka dhalato nabad waarta iyo kala danbeyn rasmiya tobanka (10) gobol ee koofurta soomaaliya, marka laga reebo Maamul goboleedka Puntland. Puntland waxaa kala dhantaalmaya hanaankeeda siyaasadeed iyo dhaqaale iyo damaca waalan ee ku dhisan sadbuuriga. Kaa soo ah Keygana anaa iska leh kaagana kula lihi. Puntland meesha kaliya ee xisaab dhab ah ka filan karto waa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisha oo ah halka ay sal dhigato dowlada dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxey har iyo habeen la daba taagan tahay iney fashiliso dowlad kasta oo dhexe, wado kasto oo ay u maraanba iyo in aaney helin muqdisho dadkeedu nabad iyo cisi iyo sharaf iyo heykal dowladnimo. Hadii ay Muqdisho lugaheeda ku istaagto sida xowliga ah ee ay hadaba ay ku socoto, amni iyo kala danbeyna ay hesho waxey og yihiin (Puntland) in xaalku sidaa aanu sii ahaan doonin la isla xisaabtamayo. Waxaa marag ma doonto ah Muqdisho waxaa dul saaran kiil aan ajnabi iyo soomaali kaleba aanan abaal ugu heyn, marka laga reebo gobolada ku xeeran Muqdisho oo dhibaatada la wadaaga ama la qeybsada. Dowladu meel aan aheyn Muqdisho dhaqaalo kama soo galo, dekedihii iyo eerabooradii qaranku lahaana maamul goboleedyo ayaa iskood u isticmaala. Puntland ayaana ugu horeysa maamuladaa. Hadane damiir laawayaal xildhibaano ku sheeg ah iyo masuuliyiin qaran oo waaweyn baa Muqdisha sal dhigtey kana yimid maamulada, sida Puntland, Somaliland iyo Maamulka Jubooyinka. Maamuladaasi aan sare ku soo xusay waxa ku yaala hanti ma guurto ah oo qaranku ka soo geli jirey Canshuur, dowlada dhexe ee imminka jirtaahi aaney waxba ka dhihi Karin waqti xaadirkaani. Sababtaasina waa calaama su’aal u baahan in qof weliba is weydiiyo??????? Maamulka Puntland oo ah hooyadii sharta Soomaaliya, waxey ku guuleysteen in ay Muqdisho ku yeeshan jawaasiis badan, haba ugu darnaatee Barlamaanka gudahiisa. Safiirka Muqdisho u fadhiya Puntland ee ah la taliyaha Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (Nickolas Kay) Nuuradiin Diiriye. Mala is weydiiyey Nuuradiin Diiriye waa shaqsi nuuceya¬ xageese ka yimid? Ma labada milyan iyo barka (2.5 ) ee Muqdisho ayuu wakiil ka yahay mise waa (Puntland ambassador to Mogdisha oo shaar UN xiran). Maya bulshada Gobolka Banaadir sooma xulane dusha loogaga keenay. Nuuradiin Diiiriye oo ah shaqsi ka soo jeeda Puntland waa nin cabsan tahliisha iyo quraanka laga soo saaray Puntland. Xiliyadii uu dhex dhexaadinayey Jen Cade Muuse iyo C/raxmaan Faroole,

wuxuu markaa ku guuleystay in uu isku keeno labadaa masuul oo kala afkaar iyo rayi duwanaa ka maamul ahaan. Maanta waa la taliyaha u fadhiya qaramada midoobay xafiiska ay ku leedahay Muqdisho. Wuxuu mudo dheerna ka shaqeynayey xafiiskaasi ka hor intaan la dooran Madaxweyne Xasan Sheik Maxamuud. Xafiiskani wuxuu noqday xafiis loogaga adeego danaha iyo damaca waalan ee reer Puntland. Puntland waxey wakiil buuxa ugaga tahay qaramada midoobay ee Soomaaliya magaalooyinka sida Muqdisha, Kismaayo iyo Garoowe. Taasoo la macna ah Somali-land maahee waxii ka soo hara in ay UN-ka wakiil ugu yihiin. Koofur 10-ka gobol ee dulman magacoduna lagu qaraabto hadaaney ka dhiiidhiyin weligood kala damneyn iyo cisi ma heli doonaan. Qaska manta ka dhex aloosan madaxda sare ee dalka Nuuradiin Diiriye iyo ergayguba qeybta ugu balaaran mas’uuliadeeda iyagaa iska leh. Si lamid ahna xiligii dowladii dhexe ee ku meel gaarka aheyd ee Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed waxaa la dagay Danjire Mahiga iyo Nuuradiin Diiriye. Waxaase u Ayaan daro ah Dowlada dhexe mas’uuliyiiintooda sare iyo maamulka Gobolka Banaadir ee aan ka hadal qiyaanada qaran iyo dibinka siyaasadeed ee laga soo xawilo Puntland, ee loo soo wakiisho Nuuradiin Diiriye. Si lamid ah waa u Ayaan daro dadka reer Muqdisho oo aan awoodi Karin ama aan ku baraarugsaneyn in Muqdisho seynta loogaga fadhiyo. Waa in aaney ogolaan in Xafiiskiii Xamar ee qaramada midoobay (UN) cid aan ayaga ama gobolada ku xeeran aan aheyn in loo soo magacaabo. Waa in ay kala doortaan shacabka reer muqdisho masuul gobolka ka tirsan in uu qaramada midoobay xafiiskeedii xamar wakiil ugu noqdo, ama ay doortaan in shanta soomaali la taliyaal u wada noqdaan xafiiska xamar ileyn aamin ma jiro’e. Waajib baa ka saaran inta ku abtirsata magaca Muqdisho iyo gobolada ku xeeranba in ay ka dhiidhiyaan inuu xafiiskaasi ka sii shaqeeyo Nuuradiin Diiriye. Waa nin ay ku weyn tahay hanweynida iyo qabweynida reer Puntland iyo kala dhan taalida jamhuuriyadii hore ee soomaaliya. Hadase noqotay Jamhuuriyada federaaliga ee soomaaliya, federaalkuse aan weli lala sugin in loo qaado afti dadweyne oo meel mariya. Maamulka Puntland waxey ugu dhegan yihiin ama u jecel yihiin federaalku in ay ku sad buursadaan ayagoo u maraya wadamada deriska ah iyo dowladaha daneya soomaaliya. Tusaale Cali Khaliif doorashadiisii umeynaan hambaleyn, mudug in lakala jaro wey ku dadaaleen, waxaana u sahlay raisul wasaare Cabdiweli Sheikh oo ah nin ay ku weyn tahay qabyaalada, ayaa ay ku beer laxawsadeen waana kula jirnaa balse ma oga in kursigiisa loo socdo daaqadana lagala baxayo. In Mudug lakala jaro ama Khatuma State la xaqiro intuba waxey ka tahay dhul iyo dad badsi. Waxaase ku dulman umadaha ku dhex nool. Puntland waxaa ka jira 3.5 awood qeybsiga halka ay soomaaliya ka tahay 4.5, oo Iyana xaaraan ah walow laakin soomaalidu ku soo wada heshiisay taa (4.5). Laakin Puntland maku soo heshiisay waaye ka maamul ahaan 3.5 Saddexda jufo ee ilma Maxamuud Saleeman wixii ka soo harana waa 0.5 awood qeybsiga maamulkaa. Taasi waxey na tusineysaa in Ilmo Maxamuud Saleebaan ay yihiin Masiibo soomaaliya ilaahey ku saladay. Nin baa laga hayaa sheeko dhacday dagaaladii sokeeyey 1992. Ilaahayow Reer Bini Israa’iil waa nooga digtey qur’aankaad noogu sheegtey, ee ilaahayow reer hebel maxaadan qur’aanka noogu sheegin qayaanadooda. Maantase taasey naga joogtaa ilaahayow maxaadan reer Puntland umadaaada halaaga ay la maagan yihiin ugu digin. Habka ka jiraahi Puntland ee 3.5 waa mid dadka taagta daran lagu boobayo xuquuqdooda ee ku dhex nool iskaba daa 10-ka gobo lee koofur waxa ay ku hayaan. Dadka muqdisho ku nool waxaan ku soo af meeraya fikirkeyga, Muqdishaay indho u yeelo Masiibada Puntland ( Maxamuud Saleebaan) iyo Marqaatiyeynta Nuuradiin Diiriye!

Posted on November 11, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Fal celinta caqliga!!

    In qof qof loo noolaado oo aan waxbana leysku darsan iyo in dan la wadaago tee baa kula qurxan?

    Su’aasheydaas baad la yaabtay iyo sidaan uga dhacsanahay tareenka ay Dunida hormartay ood adigu ku daabantahay maanta wada saarantahay. Waxaad is tiri war kani xaguu uga gudbay Qodobkii caanka noqday ee Aduunyadu wada sheegtay, had iyo goorna Dowladaha iyo dadka danta guud hayaba loogu yeero, waa (Social Responsibility).

    Tani waxay kaaga dhigantahay Qodob lama taabtaan ah. Waxaadna u aragtaa miraha ka dhashay Ilbaxnimada iyo ka xoroobiddi Siyaasadda ee Cullimada diinta.

    Sidoo kale waxaad u aragtaa tan inay tusaaleyneyso Caqliga xoroobay ee Qufilkii ku xirnaa ka furtay, kaasoo gartay inaysan Dunidu kala maarmeyn oo aan baahi loo qabin eegista kala duwanaanta Diinta, Dhaqanka, Aragtida iyo wax kastaba, taas badalkeedana loo baahanyahay in leys caawiyo si kastoo loo kala duwanyahay.

    Waa war fiican, waxaadse ku nasiib darantahay, in Caqligaagaas xuroobay uu hal dhinac un wax ka eego, isla waxa uu eegay wax ka duwanna uu arko.

    Islaamku wuxuu ku saleysanyahay Social Responsibility. Wuxuuna saldhiggiisaas soo degay 1436 Sano ka hor. Kitaabka alle-na waa ka meelo badan ku caddeeyay is-kaalmeysiga iyo isu naxariisashada.

    Aadanuhu wuxuu Indhaha kala qaaday ogaalna yeeshay isagoo dhex jooga Dunidan baaxad wayn ee ku noolaashaheeda uu noocyada badan leeyahay. Hardan, hargal, hilloow, harraad, iyo habaasba way isugu jirtaa Noloshan, intaas iyo kasii badan oo dhib iyo dheef ah, farxad iyo murugo ah iyo lamaanayaal iskasoo horjeeda oo badanina waa lagu arkayaa.

    Qof garanayaa ma jiro halkii uga horeysay halkan iyo meeshuu ka yimid. Hadana iyadoo sidaas loo dhex qotomo dunidan is burinaysa ee wanaagga iyo xumaantaba leh, ayuu qofiba maalin un si lama filaan ah u hayaamayaa, meel uu kusii jeedanaya ma garanayo, walibana hayaankiisaas isagu ogaal uma lahane dadkaa hayaaminaya, waana uu dhintay oo waa Meyd.

    Waxaa hubaal ah, in Noloshan ay mugdiga iyo shakigu ku hareereysanyihiin aanay ahayn mid uu qofku kaligiis ku filanyahay inuu baahiyadeeda maareeeyo. Kama hadlayo Baahida jireed ee Dharagta lagu xalin karo, Baahida cilmiyeed ee barashada iyo garaad kobcinta lagu xalin karo, iyo baahiyada kalee Aadanaha awooddiisa lagu dabooli karo.

    Waxaan ka hadlayaa Baahida aad u qabto inaad ogaato Timaadaada nololeed, iyo tagtadaadii horeba!!

    Waxaad ku dhex guureyneysaa gudcur. Kamana fagsan kartid guureyntaas illeen socod baa kugu jira, halka aad joogtana kuma hakan kartid oo ma aha meel hoyaad iyo hargal aad ku heleyso.

    Hadaba si aad socodkaas guureynta ah uga guul gaarto, ood gudcurkana u dhex qaaddo adigoo ka bad-qaba halaqa iyo halista kuusoo dhuuman karta, wuxuu Ilaahay kuusoo dejiyay Diin kaaga dhigan Ileys iyo iftiimin aad mugdiga dhexdiisa wax ugaga arki karto, markaasna aad socdaalkaaga si habsami leh ugu wadan karto illaa aad ka gaarto halkii ujeedka kuu ahayd.

    Tani waa mas’uuliyadda bulsheed (Social Responsibility) oo Diintu ay gudanayso. Waayo haddii aanay taasi ahayn, ma jirteen sabab Aadanahan loogu jir-naxo oo tusaaleyn iyo tilmaam saxan loo siiyo si dhibta loogaga ilaaliyo.

    Muslimka, wuxuu u taaganyahay wax –sheeg iyo waano. Sidaas buuna Ilaahay ku amaanay qofka Muslimka ah oo loogu suntay (Inuu yahay kan ugu qayrka badan Aadanaha, marba haddii uu wanaagga farayo xumahana reebayo).

    Taas badalkeedana, waxaad adigu ka marqaati tahay, inay maanta meel qura ku wada caweynayaan oo tamashle wadaagayaan Nin heysta Diin Alle iyo Aakhiraba taqaan, asaan Islaam ahayn , iyo ku Diin-laawe ah (Atheist) oo Ilahay iyo Aakhiraba aan loo sheegi karinee aaminsan inay Noloshani iskeed u dhalatay iskeedna u dhammaan doonto.

    Labadaas nin waxay cadaw ku yihiin oo ay dagaal mid ah ku qaadayaan Muslimka, xitaa haddii uu yahay Muslim nabaddii Diinta Islaamka lagu yaqiinay wada oo dadka samo la doonaya.

    Sababta colkaas wada jirka ah loogusoo qaadayo hal qof maxay tahay? Waxay malaha dad badani ku jawaabi doonaan Muslimka ayaa qof qalafsan oo Umadaha kale ka horjeeda ah, sidaas baana loogu midoobay!!

    May, jawaabta saxani taas maaha, ee waxay tahay; Muslimka inuu had iyo goor xambaarsanyahay Mas’uuliyadda Bulshada oo uu gudashadeeda darteed ceebey, colaadin iyo ciilba ugu dul-qaato. Mana rabo qofka Muslimka ahi inuu Mas’uuliyadaas isaga tago si uu u noqdo Qof qaata dhaqanka qof-qofeysiga (Individualism-ka) ee haddiiba aad adigu toosantahay ku faraya inaadan qof qaloocan waxbana u sheegin.

    Way caddahay in Cilmiga casriga ah iyo nolosha casriga ah ay is burinayaan, marba haddii Mabaadii’da Cilmiga ku jira ee Siyaasadda loo adeegsado aan la waafajinayn Nolosha kale ee Siyaasadda ka fog, si u daneynta Aadanaha ay u noqoto mid dhinac kastaba taabanaysa.

    Danta aadanaha oo lagusoo koobay dunida iyo ku noolaashaheeda waxay dabool saareysaa guuxa caqliga ee dalbanaya jawaab u helidda su’aalo badan oo la xiriira nolosha dunida, sida Dhalashada iyo Geerida oo aadanuhu uu had iyo goor arkayo, hadana uusan wax badan kala socon.

    Ugu dambeyntii, intii caqli furan waxaa la gudboon inay iskeed ugu guntato baarista arrimahan aan sheegay, si ay uga gudubto harraadka ay la asqowday ee cid ka waraabineysaa aanay jirin hadaanay iyadu gacmaheeda ku biya-cabin.

    PenSomalia

    Mogadishu-Somalia

    Like

Leave a comment