Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin – Qeybta Kowaad

Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin - Qeybta Kowaad

Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin – Qeybta Kowaad

Thursday 21 August 2014 | RuuxaantaNews|Warbaahinta Casriga ayaan shaki ku jirrin inay saameyn ku yeelatay nolosha iyo asluubka Aadanaha hab wanaag iyo xumaan intaba, Waa Qormo looga hadlayo Musalsalladda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Qoyska .

Taleefishinka ayaa ugu badan marka loo eego Warbaahinnada kale sida Radiowga, Joornaalka, IWM goobaha ay Soomaalida kala socdaan Musalsalladda, waxaanaTaleefishanka oo wata maqal iyo muqaal kana mid ah warbaahinta casriga laga hirgaliyey Soomaaliya markii ugu horeysay 21 Maarso sanadkii 1983-dii xilligaas oo ay dalka ka talineysay Dowladdii Kacaanka.

Tiknoolajiyadda casriga ee caalamka iyo awoodda maamul Dowladeed ee daciifka ah ayaa sahashay 15kii sano ee ugu dambeysay hanaqaadka tiro badan oo Warbaahinno ah oo uu telefishunku qeyb ka yahay, taa waxaa dheer telefishannada kale ee waddamada kale ku yaalla ee laga daawato Soomaaliya.

Telefishannada Soomaalida qaar iyo kuwa kale oo ku yaalla dalalka kale ayaa barnaamijyada ay baahiyaan waxaa kamid ah Musalsallo ka turjumaya DAGAAL, JACEYL, SIYAASAD, DIIN, DHAQAN iyo kuwa kale oo badan.

Musalasallada ugu badan ee Soomaaliya laga daawado ayaa ugu badan kuwa waddamada Turkga, Hindiya, Meksiko, Ameerika iyo Kuuriya, oo dhamaantoodna ku turjuman afka hooyo iyo afaf kale oo qalaad, haba ugu badnaadaan luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Hindiga.

Musalsalsalladii ugu saameynta iyo daawashada badnaa Soomaaliya, Haweenka iyo Carruurtana sanadahaan dambe waxaa kamid ah;

Maariya Kalaara
Maariya Juuy
Cishqi Mamnuuc
Nuurra
Caasi
Barbara Santaana
Al-wacdi
Sanadihii lumay (sanawaatu diyaac)
Fursah Thaaniyah
Intisaarul Xubbi
Malikah Jaansii
Musalsalladaas oo hela soo saaris aad ah looga baaraan dagay ayaa saameyn ku yeeshay habka horumar iyo nololeed qoyska oo unugyadiisa ugu muhiimsan ay ka mid yihiin haweenka iyo carruurta.

Waxaana u kala qaadaynaa sidan:-

Saameynta Caruurta ka yar 10 jirka illaa heer Qaangaarid
Saameynta Haweenka
Saameynta Carruurta ka yar 10 jirka illaa heer Qaangaarid

Carruurta ka yar da’daas ama la’eg ayaa aad ugu saamooba marka ay daawadaan musalsalladan, kagana sheekeeya goobaha ay tagaan, xarumaha iskuullada, gaar ahaan fasallada ayay isku weydaarsadaan wixii ay xalay ku arkeen musalsalka intii ay duruusta ku mashquuli lahaayeen, kaba daran carruurta qaarkood waxay sameeyaan iyagoo waddooyinka ku sugan in ay laba koox isku safaan matalaanna Jilayaashii ay shaashadda ka fiirsadeen ee dagaalka matalayey.

Waxaa ugu darneyd arrinkaasi taleefishannada qaar ka socon jiray filim looga hadlayay Gumeysigii Ingiriiska ee dalka Hindiya kaasi oo magaciisu ahaa (Malikah Jaansii).

Dhiirragalinta ay helaan carruurtaas ayaa ah marka ay xubin muhiim oo qoyska ka mid ah sida Aabbaha iyo Hooyada ay dhagaha u raariciyaan Ilmihii oo ka sheekeenaya qaabkii ay ahayd xalay qeybtii musalasalkaas, taasi oo waalidiinta qaarkii ay muuso iyo qosol isku daraan, iyagoo kaliya markaas fiiriya habka cunuggooda uu u sharxayo una xifidiyay xalqadii xalay la daawaday, halkii ay ku koontorooli lahaayeen duruustii uu Dugsiiga ka soo qaatay.

Qeybta Labaad
Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin – Qeybta Labaad

Monday 25 August 2014 | RuuxaantaNews | Qeybta Koowaad — Warbaahinta Casriga ayaan shaki ku jirrin inay saameyn ku yeelatay nolosha iyo asluubka Aadanaha hab wanaag iyo xumaan intaba, Waa Qeybtii Labaad ee Qormaddii Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin oo ay diyaarisay Nasra Abid Osman.

Carruurta Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

Dadaal la’aan dhinaca Waxbarashada
Ka mid noqoshada Ardayda ugu liita fasallada
Macallimiinta oo had iyo jeer bannaanka fasalka uga saaraya marka ay arkaan Carruurtii oo fasalka ku sheekeyneysa
Jecleysi saa’id ah fasaxyada Iskuulka iyo Dugsi Qur’aanka
U degdegid shaashadda uu ka fiirsanayo musalsalka, sida in la yiri waa waqtiga salaadda
Caasi waalidiinimo
Xanuunno dhinaca neerfaha mararka qaar ka asiiba
Hammi la’aan dhinaca horumarka
Aqlaaq darro iyo dhaqan xumo
Kuwa qaangaarrada ah dhammaan qeybahaas iyaga oo la wadaaga ayaa waxaa u sii dheer in musalsallada uu qalbiyadoodu aad u soo jiito kuna abuuro dareen rabitaan jinsiyadeed (GALMO), taasi oo ugu dambeyn keeni karta xiriir laba jinsi aan sharci ku saleysneyn, oo ay ka dhalan karto faafifadda cudurro halis ah, sida HIV AIDS, dhalashada ilmo aan aabbe lahayn iyo xiriirro qalloocan oo dhallinta ku dhex faafa.

Waxaa soo raaca taa in dhallinyaradu ay ku saamoobaan hab dhaqanka Jilayaasha musalsalka, sida erayadan oo kale“Hebel waad shidan tahay, caadi ma tihid, waxaadba iila qaab ekaatay jilihii filimkii hebel, Wallee Atoore hebel maba lagaa yaqaanno, isagaadba ka sidataa IWM” oo ah hadallo ka mid ah kuwa ay is dhaafsadaan dhallintu marka ay arkaan saaxiibkood oo u labisan ama ku hadlaya hadal u qaab eg filimadii ay isla daawadeen.

Sameynta Haweenka

Haweenka oo udub dhaxaad u ah bulshada, ahna barbaariyaha koowaad ee ubadka ayaa saameyn aad u balaaran ay ku yeeshaan musalsalladu, qaarkoodna inta ay aad ula dhacaan jilayaasha ayey ugu magacdaraan carruurtooda, waxaad magaalada ka maqlee cunuggan waxaa lagu sammiyey Muhannad, gabadhan yarna waxaa lagu sammiyey Nuurra, Samar ama Nasiim, intuba waa magacyo aan rasmi u ahayn Jilayaasha.

Haweenka qaar ee daawada Musalsallada ayaa nafsadahooda la jila qiyaal aan run ku saleysneen, waxay isku dayaan in ay isku dabbaqaan Nolosha Qoyska Musalsalka iyo tan Qoyskooda, markey arkaan in aanay isqabaneynin labadaasi nolol ayey billaabaan muran iyo qeylo joogta kuna biyo shubta kala tag lammaane (FURRIIN).

Haweenka Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

Dayicidda Xanaannada Qoyska
Furriinka oo bata
Dhaqaalaha qoyska oo hoos u dhaca marka loo eego telefishan oo iska daaran muddo badan
Muqaalafo
Dirir joogta ah labada qof ee nolol wadaagga ah ka dhex aloosan mar walba
Kalsooni darro ragga seygood ah ay ka qabaan
Qiyaano iyo gogol dhaaf
Ku fikirid nolol qiyaali ah liddi ku ah qoyskeeda
Ugu dambeyntii si guud Waxyaabaha xun ee laga dhaxlo musalsallada waxaa kamid ah;

Qiyaanid lammaane
La falgalin ubadka, haweenka iyo qoyska diin aan Islaam ahayn, tani waa saameynta ugu weyn Musalsallada lagu arko waxaana u badan ee lagu dhax arko Musalsalladda dalalka Meksika (Mexico) iyo Hindiya
Faafin dhaqan aan kan Soomalida ahayn
Jiil dhaqammo kale ku dhiirrada, oo dhalanrog iyo uu u dhaco dhaqanguur
Qamriga oo la banneysto ama loo moodo ilbaxnimo iyo hormar, halka uu maandooriye iyo ka yahay dhimir dile, iska badan tihiina ayba keento cudurro halis u ah caafimaadka.
Dilka qof kale, oo aadan u ogayn waxa iyo sababta aad u dishay, marka laga reebo muran yar ama dood aan qiimo lahayn oo idin dhex martay.
Qiyaanada oo dhaqan iyo noqotay caado
Qoyska oo aan is adeecin, war iyo talana aan iska maqal, oo is garab yaac iyo ku nool is daba mar.
Waqti lumis iyo waayo badan oo la galiyo wax aan dheef iyo lahayn natiijo la taaban karo, marka laga reebo xiiso maaneed iyo khiyaalo aan muuqan.
Talo:-

Inaad iska dhaafto gabi ahaan musalsallada, haddii aadan joojin karaynna aad yareyso fiirsashadooda, taasi oo ugu dambeyn kuu sahleysa inaad awooddo inaad iska joojiso dhammaan.
Saacadaha guud ahaan taleefishinka la fiirsanayo oo la xaddido, laguna aaddin xilliyada waajibaadka ay jiraan sida salaadaha, casharro aqrisashada iyo dib u eegista waxay ubadku maanta la soo bartay.
Waalidiinta soomaaliyeed waa in aanay carruurtooda u fasixin wax walba oo laga soo daayo taleefishinada, haddii aanu ahayn waxyaabo maankooda kobcinaya
In haweenku aanu tusaale ugu soo qaadan raggooda jilayaasha musalsalladii ay daawadeen, maxaa yeelay, waxay idin dhaxalsiin kartaa kalsooni darro iyo isku qanacsanaan la’aan soo dadajiya kala tag qoys dhisan.
Haweenku waa in ay waqtiyada ay daawadaan musalsalallada ay taa badalkeeda waqti la qaataan seygooda, caruurtooda, ama ay aqriyaan Buugaag.
Dhammaad.

RuuxaantaNews

Qormada

Posted on August 21, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment