FAALLO:-CIQAAB WADAREEDKA SIYAASADDA!!!

imageMoment Media a Ethics –Wey dhacdaa waana wax la filan karo marka uu soo xirmo albaab kasta oo la isku fahmi karo, mar hadii ay mudadaan danbe Siyaasadda Soomaalida ragaadisay is qabqabsi iyo is kooxeysi ka dhex abuurmay golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, ayna soo baxeen magacyo cusub, sida Kudalada Badbaadada Qaranka iyo Isbaheysiga Toosinta talada Qaranka, iyadoo xildhibaanada qaarna ay ku tilmaameen inta ka soo hartay Isbaheysiyadooda in ay u janjeeraan dhanka Madaxtooyada oo ah garab sadexaad.

Sidoo kalena aan horay u ogeyn in Xukuumadii la riday ee C/wali Sheekh ay iyana Golaha Wasiiradu ahaayeen laba garab oo kala taageersanaa Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha,inkastoo aad moodo in xiligaa iskooxeysigii abuurmay uu iminka u hana qaaday si ka duwan sidii hore loo arki jiray.hadana lama hayo sharci u diidaya Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kaleba in intii isku argti ah ama danwadaag ahi ay sameystaan wax ay ku mideysan yihiin.

Waxaase xusid mudan in ay jiraan Xildhibaano kale oo ka aragti duwan labadaa Isbaheysi oo iyagu u arka in ay Saaxiibadoodu yihiin kuwa ka soo horjeeda haru socodka Dowaladnimo, maadaama bilihii ugu danbeyay uu dalku ahaa mid dhex muuquurtay is riix riix siyaasadeed oo gabi ahaan cuuryaamiyay howlihii dalka loo qaban lahaa.

Markase sheybaar lagu eego Kudladahaan ka dhex abuurmay Baarlamaanka waxaa loo kala qaadi karaa laba qeybood , qeybi waa koox ku midoowday difaacii fashilmay ee Xukuumadii hore xiligii uu socday hardankii u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Reysalwasaarihii hore Md C/Wali Sheekh Axmed, waana is garbintii ugu adkeyd ee uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh marka loo eego qilaafkii ka horeeyay ee Xukuumadii Saacid.

Kooxda kalena waa isku tag ka abuurmay markii uu Reysalwasaare Sharma’arke ku dhawaaqay Xukuumadiisii hore ka dib markii in badan oo ka mid ah ay ku hungoobeen rajadii ay ka qabeen in ay ka mid noqon doonaan, maadaama ay qaar ka mid ahi wax ka soo rideen Xukuumadii ay Wasiirada ka ahaayeen ee C/wali Sheekh Axmed, waxaana iskaashiga labadaan garabi sababay in uu qal qal galiyo magacaabistii 1-aad ee Reysalwasaare Sharma’arke.

Markii ay xam xamtu badatay Xaalkuna cakirmay Reysal wasaaruhu waxa uu dib ula laabtay Xukuumadiisii waxa uuna ka codsaday Baarlamaanka in ay siiyaan muddo 14 cisho ah si uu u soo magacaabo Xukuumad cusub.Waxaase sii laba lixaadsaday dhaqdhaqaaqyada lagu gujeynayay soo magacaabista Xukuumadda 2-aad si koox waliba u muujiso awoodeeda Siyaasadeed.

Waxaana bilowday shirar joogta ah oo hadalada ka soo baxayaa ahaayeen kuwa taag taagan oo fariin u ah Reysal wasaaraha.waxeyse ugu Carab kululaayeen markii ay iyaga oo mideysan soo saareen hadal oranaya in aan Xukuumadda lagu soo dari Karin 4 Wasiir oo ay malaha tuhmayeen in ay hor boodi doonaan Xukuumadda la soo wado maadaama ay xulufo dhow la yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waa xujo adag iyo caqabad kale oo ku soo korortay caqabadii hore ee sababay in dib loola laabto Wasiiradii hore,Inkastoo Reysal wasaaruhu dhagaha ka fureystay digniintaas , hadana waxaa ka hurdi waayay hadalkaa oo ka jawaabay Madaxweyne Xasan sheikh oo sheegay in uusan marnaba ka ahaan doonin saaxiibadiisa Siyaasadeed maadaama sida hadalka u dhigay uu kursiga ku yimi Xisbi Siyaasadeed.

Dadka siyaasadda rog rogaa waxa ay leeyihiin Ma aheyn in Madaxweynuhu uu u jawaabo Xildhibaano careysan oo uu weliba ogyahay waxa ay ka careysan yihiin,balse waa ay dhacday taa, waxaana mar kale bilowday kuur kuursi iyo shirar iyo in wax la iska weydiiyo hadalka madaxweynaha,waxaase intii ay Xildhibaanadu ku mashquul sanaayeen fasiraadii ay ka bixin lahaayeen hadalkaa, si kadisaa uga soo baxay Xaafiiska Reysalwasaaraha Liiska Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 20 Xubnood.Waloow marka dhan laga eego la oran karo waa la aqbalay dalabkoodii ahaa in aan Wasiirada cusub lagu soo darin 4-tii Wasiir ee bartilmaameedka u ahaa iyaga.

Hadana dhanka kale , Magacaabista golahani waa uu ka duwan yahay wixii lagu xiiqayay ama lagu muransanaa maalmahaan,sidoo kale habka loo soo xulay waa ay ka duwan tahay sidii loo soo xuli jiray Wasiiradii hore ,Xiliga lagu dhawaaqayna waa uu ka duwan yahay xiliyadii lagu dhawaaqi jiray Xukuumadihii ka horeeyay.

Waxaana la hadal hayaa in uu Madaxweynuhu golahaan cusub ku leeyahay saaxiibo ka badan saaxiibadii hore ee loo diidanaa

Markiise la shaaciayay Magacaabistan waxaa waagu ku baryay Xildhibaanadii Kudladaha abuuray, Wasiiradii lexa jecladu kaga jirtay iyo Hor joogayaashii Qabaa’ilka oo xiligaan oo kale galaan gal fara badan ku yeelan jiray soo xulista Wasiirada, maadaama ay shaxdu ka timid halkii ay filayeen maahane Jiho aaney xisaabtaba ku darsan in laga soo weerari doono ama lagala dabaaqtami doono.

Inkastoo dadka shacabka ahi ay si aada u soo dhaweeyeen doorkan wajiyada cusub iyo dhalinyarada loo soo xushay Golaha Xukuumada,hadana waa hubanti in aaney ku faraxsaneyn oo laga filan karo aargudasho siyaasadeed Xildhibaanadii baryahaan guuxa waday iyo qaar ka mid ah Wasiiradii horeba, balse waxaa la oran karaa mar hadii muranka xil raadintu batay waqtiguna gaaban yahay ,tani waa CIQAAB WADAREED SIYASADEED oo lagu abaal mariyay dhamaan dhinacyadii gorgortanka waday.!!!

PenSomalia

Posted on January 31, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment