Nin Buka Boqol u Talisay

Kud ka guur oo Qanje u guur

Kud ka guur oo Qanje u guur

RuuxaantaNews — 20 August 2014 –  Umadda Soomaaliyeed ayaa waxay mareysaa xaalkii la yidhi “Nin buka boqol u talisay” Murtida maahmaahdan ayaa ah, ka dib burburkii Umadda Soomaaliyeed ku habsatey guud ahaan, waxaa laga dhaxlay, nin hoggaan xumo baahsani waddanka darafka ka daraf saamayso.

Ma doonayo inaan idiinka sheekeeyo waxaad ogtihiin ee waxaan doonayaa inaan idinla wadaago, waxaynu ka gudbi weynay, caqabada iyo qabirka labada lugood laynooga dhuuxiyey ee aynu ka dirgan la’anahay, qofka waxaa hoggaamisa Maskaxda oo ah fulliyaha dareenka iyo curinta arrin walba oo ku dhalata Nafteena, iyadoo mar walba u xilsaarta xubintaa shaqada iska leh inay, Fuliso ama ay ka hawlgasho, Dhaqaaq, Dhawaq, Dhihid, dhadhansi, Dheehasho, Dhugasho, Dhawris iyo dheelitirba.

Haddaba Umadda Soomaaliyeed markii ay haleelay cudurkan dhimirka ee “Wareerka iyo Walaahoowga” Wuxuu kaga dhacay Maskaxda oo ah “ Hoggaanka “ Hoggaankii ayaa wuxuu farriin iyo amar qaldan siinayaa, Xubnihii jidhka, Bog iyo beer iyo Badanba, isagoo Lugaha doonaya inay wax arkaan, Gacmuhuna wax maqlaan, Indhuhu wax socodsiiyaan, Dheguhuna wax dhadhanshaan, waa mid aan suuragelayn, suuragalnimadeedana aan la sugaynin, “Laf jabtay iyo maan tegay midna sidoodii ma noqdo” markaad warreysato qof xanuunka dhimirku ku dhacay, wuxuu kuu sheegayaa inuu qaladka iyo gefka ka dhacaya ogyahay, balse uusan lahayn damiir ka xakameeya oo ceebsada ama dhibsada falka qalafsan ee uu falayo.

Dalku wuxuu soo marey muddooyin ku dhaw 25 sano sano, “Rubuc qarni” waxaa lagu dhawaaqay muddo hadda laga joogo, Sanad iyo sideed bilood, in dalku ka baxay ku meelgaadhnimadii iyo hannaan xumadii qabyada ahayd ee dowladdaha shisheeye iyo Qaramada midoobey jaraha u hayeen, waxaa is bedelay, wax muuqda oo dalka gudihiisa ayaa xubnihii dibada lagu xuli jirey lagu xulay, Dowladi dibadda laga keeni jirey lagu dhidbay, Hoggaana lagu doortey, dalku wuxuu markaa ka baxay marxalad adag oo dagaal iyo dabino badan leh, umaddu waa boggaadisay iyagoo haddana og, Darka duulka tuba eek u horran, Xafiisyada iyo hay’adaha dowladdu inay yihiin, Dhagarqabayaashii Shalay, Hoggaamiye diimeedkii shalay, Qabqablahii Shalay,Askarigii Shalay, Qaswadihii Shalay iyo Qarandumiskii shalay, dhammaan waa la yaqaana, Balse arrintu waxay noqotey “Waraabihii yidhi Aamin halay baxsho, ee markii loo baxshay yidhi bal tijaabona halayga qaaddo oo halay jirabo, waxaa loo dhiibey Hal iyo Nirigteedii, labadii midna Afkuu ka goostey midna Cadhada ayuu ka goostey” haddii la yidhi isu soo godolna waxaa ka hadhay, Murtida caanbaxdayee ah” Maxay ku nuugtaa am ka nuugta”

Dadku Muxuu filayey? Dowladduse maxay balanqaadey?

Dadku wuxuu filayey?

In hoggaan diiran oo lagu nasto, nabad iyo wadajirkoodii soo celiya, nidaam iyo kala dambayni timaado,
In Cadaalad iyo sinnaana la helo,
In Ubadku waxbarasho u dareero, Dhallintuna shaqiyo xoogsi u dareerto,
In Dumarku nabad ku daanshoodaan, Duqaydiyo dareen la’aan ku joogaan,
In diiftii laga reysto, in dalka laysu furo dibna looga heshiiyo, dakanadii iyo daanooyinkii Dagaallada Sokeeye.
Haddaba waa aan is weydiinee Dadku ma helay wuxuu sugayey? Aqristoow adigaan kuu daayey Jawaabta!

Dowladdu waxay ballan qaadey:

Inay guud ahaan dalka gacanta ku dhigayso, kooxaha Argagixisada ee nolol iyo nabaddiidka la dagaallamayso,
In dhammaan Heer Gobol ilaa degmo, maamulka lagu baahinayo,
In la dhisayo laammaha dowladda oodhan,
In la dabooli doono intii karaana Adeega Bulshada iyo baahidooda,
In laga kaaftoomayo ciidamada Shisheeye lana heli doono, Ciidan Nabadgelyo iyo mid Xoog oo ku filnaanada ilaalinta iyo ammaanka dalka guud ahaa.
In dadka oodhan la tirakoobayo, lana diiwaan gelinay,
In Xisbiyo siyaasadeed la furo, dadkuna codkooda dhiibtaan 2016ka, Haddaba ma fulisay wax ka mida ballanqaadkeedii dowladdu? Aqriste adigaan kuu dhaafay Jaalkayoow jawaabteeda.
Haddii xaalku sidan yahay nina wax sugayo nina la sugayo ninka la sugayaa uusan ninka sugaya inuu sugayo ogeyn, “Waa Kudka guur oo qandjo u guur” waxaa had iyo gooraale dadku is weydiinayaan maxaa isbedelay mase jiraa isbedel Siyaasadeed iyo nidaam oo ku yimid dalka maya, inay ka darto oo ciin daaqdo maahine waxba isma bedelin, dad badan ayaa I odhan doona Filashada wanaaja oo rajadda hagaaji “ Umaba jeedee maxaan hagaajiyaa ama wanaajiyaa?

Haddaba bal ila eeg, waxaa dalka ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo baaxaadeg weyn, waxaa is casilay, Wasiirkii Amniga, muddo laba bilood ku aadan ayaa waxaa la soo magacaabay nin shalay loo bedelay inuu gudan waayey xilkiisa, Taliyihii hore ee Nabadsugiga, “ Ma cid ku dhaantaa la waayey mise geediga dib u socod ah” Sahanxumo waa ku sababsataaye.

Waxaa taliye Nabadsugid laga xayuubiyey xilka, isagoo lagu eedeynayo xilgudasho xumo iyo aqoondarro dhinaca Amniga ah, waxaa loo magacaabay nin Qurbajoog ah oo isaguna aan lahayn, Xirfadda shaqo ee loo dhiibay, haddana dalka xog ogaal u ahayn,waxaa intaasba ka sii darran in Taliyaha Booliiska ayaa waxaa loo dhiibay nin ka tirsanaa ciidankii CID Soomaaliya oo dalalkii uu dibadda ugu qaxay ka soo cararey ka dib markii faldambiyeedyo Dagaal iyo dambiyo ka dhan Xuquuqda Aadanaha lagu eedeeyey xiligii uu ahaa, Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ee dowladdii Rajiimka.

Ka darroo dibi dhal, waxaa Ergayga Soomaali u metela, Dalka Mareykanka loo magacaabay Cumar Cabdirashiid, Cali Sharma’arke, oo ahaa Ra’iisalwasaarihii hore ee dowladdii Shariif oo is casiley isagoo lagu eedeeyey, Musuqmaasuq iyo iibsashada Badda Soomaaliya, iyo wax isdaba marin, shaqo gudasho la’aan , haddan waxaa la yidhi lagaama maarmo, ma waxaa laga baranayaa, Sooyaalkiisa madoow mise tolow waxaanaan Ogeyn ayaa jira’ Bal adba!

Waxaa laynoo sheegay oo Warbaahintu soo gudbisay, dadka wax dila kuwa wax qarxiya kuwa hubka gudbiya iyo kuwa hawlaha argagixisa fuliyaaba inay dhammaantood la shaqeeyaan dowladda iyo laamaheeda kala duwan weliba kuwa ugu muhiimsan.

Waxaa halkaa kaaga muuqata iney guud ahaan Rajadii iyo filashadii Dadweynaha qaarkiis, noqotey “Hal bacaad ku lis” oo aysan jirin haba yaraatee wax yididiilo ah, Hummaag madoow iyo Gudcur la gudayo maahine.

Isbedelkii laga sugayey, “Jamhuuriyadda Beelaha Soomaliyeed” wuxuu noqdey arrimahaan ka soo faalloonay iyo kuwa kale, Dalka dagaalladii weli waa ka socdaan, Siyaasad ahaana hadda ayaa la sii kala fogaadey oo intii shalay, xeedhada gacanta kula wada jirtey maanta nin weliba buul ayuu waabtey wuxuuna gacan saar la yeeshay dowladdaha deriska.

Beel walba waxaa u duuban Nabaddoon siyaasadeed” Madaxweyne Maamul beeleed” wuxuu la shiraa oo la shawraa habeen iyo maalin wakiil iyo wakaaladna u yahay dowladdaha deriska ah, ma dan gaara ayuu ka qabaa? Mayee dantooda ayuu fuliyaa. Bal adba?

Dadweynuhu waa kooxo, sidii Adhi dammaankii sucuudiga loo dhoofin jirey u kala xareysan una dabaabo xidhan dad aan dantooda wadin dana kala lahayn, dad aan la dareemayn xanuunkooda, kana damqanayn diiftooda, waxay dhammaantood noqdeen, “Ma liibanayaal lagu liibaano”.

Haddaba miyaanu arrinku ahayn oo noqonayn kuna soo noqnonayn mar walba, KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR, rajadii shacabka iyo inta samaha jecel ayaa waxay ku laalantay Xidiga dagaar oo iyada oo Weyne waa ilaahe ka soo dejiyo maahine aysan muuqan marxalad looga gudbi karo dhibaatada taagan.

Quusta iyo hammi dunka waxaa keenya wacyiga adage e yaalla ee aan ilaa hadda lahayn habkii iyo hannaankii loo maarayn lahaa.

PoliticsSomalia

Posted on August 20, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment