Monthly Archives: October 2014

Wasiir Faarax Sheekh C/Qaadir Wasiir Karti iyo kudayasho Mudan.

imageFaarax Sheekh C/Qaadir oo kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya kuwooda ugu saameynta badan ayaa lagu xasuustaa wax qabad muuqda intii uu kamidka ahaa Golaha Wasiirada uuna kasoo qabtay Dhoor Wasaaradood oo kala duwan.

Wasiir Faarax C/Qaadir ayaa intii dalka ay ka jirto Dowlad la’aanta waxa uu ku hoolanaa hormarinta Waxbarashada Dalka , waxa uuna kasoo shaqeeyay Howlaha waxbarasho ee dalka iyo sidoo kale samafalka dadka dhibaateesan. Read the rest of this entry

Labo Cabdi Wali; illeyn CEEB looma DHINTO!

image

image

Muqdisho | PenSomalia | October 24, 2014 | Islaan magaceeda la oran jiray Roobeey, ayaa waxay laheyd 2 wiil, oo mataano ah, weliba mataanaha aan muuqaal ahaan la kala garan marna. Duq Roobeey waxay mataanaha ku soo korisay agoonnimo, oo aabbahood wuxuu dhintay iyagoon socodba gaarin, dadka dariska la ahina waxay ugu yeeri jireen “MATAANO ROOBEEY”. Read the rest of this entry

Sir Culuis:- R/Wasaare Cabdiwali, Morgan Iyo Maslax Siyaad Oo Ku Tumanaya Nairobi.

imageRa’isulwasaare Cabdiweli Ahmed oo ka soo laabtay Burundi ayaa dhamaan wafdigii la socday iyo hoowlwadeenadiisii gaarka ahaa uga haray Nairobi.iyagana waxay u gudbeen Muqdisho.
Ra’isulwasaaraha ayaa Guri ka kooban sedex qol jiif – qol fadhiya iyo beer ka kireeystay duleedka Magaaladda Nairobi,degaanka lagu  magacaabo Karen,wuxuuna halkaas shir albaabada u xiran kula leeyahay Jeneral Maxamed Saciid Xersi Morgan iyo Jeneral Maslax Maxamed Siyaad Barre.
Dad isku dayay inay booqdaan Ra’isulwasaaraha ayaa ku hungoobay kadib markii ilaaladiisa is hortaageen.
Ra’isulwasaaraha wuxuu shir sedex maalmood socon doona la leeyahay Maslax Maxamed Siyaad iyo Maxamed Saciid Morgan sidaas darteed wuxuu nagu amray inaan qofna u gudbin maalmahaas”ayuu yiri nin ka mida ilaaladiisa oo la hadlay Siyaasiyiin rabay inay la kulmaan.
Jaad ama Qaad farabadan ayaa Xaafadda Islii looga qaaday Ra’isulwasaaraha iyo Saraakiisha la joogta hasse yeeshee lama oga wuxuu kulankooda quseeyo.
Dadka Mucaaradsan waxay leeyihiin waxaa duleedka Nairobi {Karen} ka socda tumasho sedex maalmooda hasse yeeshee diblomaasiyiinta qaar waxay kulankaas u arkaan mid siyaasadeed oo looga arrinsanayo hoowlgal loogu magacdaray AARGOOSI.
Ra’isulwasaare Cabdiweli wuxuu todobaadkii hore Garowe ku saxiixay heshiis looga danlahaa in lagu fashiliyo maamulka gobolada dhexe ay ka dhisanayaan bulsho u badan beesha Hawiye.
Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federalka Somalia wuxuu horey u saxiixay heshiis lagu cadeeyay in gobolada dhexe laga dhisi doono Maamul ka kooban Galgaduud iyo Mudug.Heshiiska cusub ee dhigaya in Xaduudka Puntland yahay Koofurta GaAlkacyo wuxuu gogol xaar u yahay qorshe Cabdiweli ku shaacin doono ineysan Dowladda aqoonsaneyn Maamul goboleedkastoo laga dhiso gobolada dhexe maadama uu yahay hal gobol iyo bar ,taas oo ka dhigan inuusan buuxin sharuuda laba maamul iyo wixii ka badan ayaa noqon kara maamul goboleed.

Somalia: Puntland clinches deal with Federal Govt

imageGAROWE, Puntland Oct 14,2014 (Garowe Online)-Puntland Government in northern Somalia has clinched deal with Mogadishu-based Federal Government after three days of intense talks in the state capital of Garowe on Tuesday, Garowe Online reports.

Federal Government of Somalia’s Minister for Higher Education Du’alle Adan Mohamed read a 12-point agreement to the media in the presence of Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed, Puntland President Abdiweli Mohamed Ali, United Nations envoy to Somalia Ambassador Nicholas Kay, EU’s Ambassador Michele Carvone d’Urso, IGAD representative Mohamed Abdi Afey, Ethiopian consul General Asmalash Woldamirat and the negotiating teams. Read the rest of this entry

WAR AAN WADA TASHANNO!

imageWednesday 8 October 2014 – Soomaalidu waxa ey ku maahmaahdaa “Nin aan garan waxa soo socda, magarto waxa jooga”. Waa Qormo ku socota inta daneeysa xal waaro iyo daganaasho siyaasadeed in laga helo deegaanada Goboladda Dhexe .

Marka aan arkay sida xaaladda siyaasadda dalka ka jirto ku socoto oo aan fahmay in siyaasiyiinta beelaha Soomaliyeed iyo beesha caalamkuba doonayaan in Soomaliya Federaal noqoto, bari dhaxane heshiis maamul gobolada MUDUG IYO GALGADUUD lagu mideynayo lagu gaaray Madaxtooyada oo aan arkay qilaaf xooggan oo ka dhax taagan siyaasiyiinta deegaanka iyo culumada “Ahlusunna Waljamaca” ee maamula magaaloyinka Dhuusamareeb, Guri ceel iyo Matabaan ayaan go’aansaday in aan qormadan la wadaago inta daneeysa xal waaro iyo daganaasho siyaasadeed in laga helo deegaanada aan kor ku soo xusay. Read the rest of this entry