Wasiir Faarax Sheekh C/Qaadir Wasiir Karti iyo kudayasho Mudan.

imageFaarax Sheekh C/Qaadir oo kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya kuwooda ugu saameynta badan ayaa lagu xasuustaa wax qabad muuqda intii uu kamidka ahaa Golaha Wasiirada uuna kasoo qabtay Dhoor Wasaaradood oo kala duwan.

Wasiir Faarax C/Qaadir ayaa intii dalka ay ka jirto Dowlad la’aanta waxa uu ku hoolanaa hormarinta Waxbarashada Dalka , waxa uuna kasoo shaqeeyay Howlaha waxbarasho ee dalka iyo sidoo kale samafalka dadka dhibaateesan.

Marki ay dadka inta badan ay ka carareen dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay Faarax Sheekh C/Qaadir waxa uu kamid ahaa dadka yar ee ku haray dalka waxa uuna ku adkeystay qatartii faraha badneed ee dalka ka jirtay.

Faarax C/Qaadir ayaa markii ugu horeesay uu Siyaasada Dalka kasoo muuqday noqday Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya waxuuna aad uga shaqeeyay sidii loo soo celin lahaa qaranimadii luntay dib u hishiiseen , waxuuna hogaaminayay wada hadaladii dadkii isku haystay Jubooyinka iyo Gedo ,isagoo ku guuleysatay in aan shisheeye maamulin dib u hishiiseenta .

Maaamul u samaynta ku meelgaarka ee jubooyinka waxay raad raac u noqotay qaab dhismeedka gobolada kale sida Bay iyo Bakool dadaalka hada loogu jiro dib u dhiska gobolada dhexe ee Dalka.

Faarax Sheekh C/Qaadir markii uu noqday Wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Dastoorka waxaana laysku raacay inuu dib u dhisay aas aaskii lugi raadi lahaa garsoor cadaalada ku dhisan .waxa kale uu diyaariyaya baarlamaanka uu ansaxiyay sharcigii lugu abuurayay gudiga dib u eegista dastoorka iyo magacaabistii gudiga dastoorka uu idmay in ay howshaa galaan ,waxaa laysku raacay in wasiir faarax yahay in howl kar ah daacad ah qaranimada Soomaliyeedna aaminsan.

Hadaba waxaa jirta in dadka qaarkii ay eedo u soo jeediyaan wasiir faarax ayagoo ka fiirinaya colaad shaqsiya daano gaar a,h qabyaalad iwm waxaa kale oo dadkaasi ay ka xun yahiin barashada iyo saxiibnimada uu la leeyahay madaxwayne Xasan Sh. Moahamoud ,waxay uloowsan yIhiin in ay madaxwayne ah iyo wasiirka ay isku xisbi yahiin in badane ay soo wada shaqeeyeen, waxay kaloo iloowsan yahiin inkastoo saxiibtinadaas jirto in madaxwaynaha xasan sh. mohamoud uu go.,aanadiisa xor u yahay ka madaxwayne ahaan.

Waxaa la yaab noqotay in qof daacad ah oo nadiif ah dalkiisa iyo dadkiisa daacad u ah in dadka qaarkii ku colaadinayaan xiriirka qotada dheer ee uu wasiirka laleeyahay madaxwaynahiisa ,sida dad kale oo badan oo kala nooc ah ee madaxwaynaha Xasan Sheekh saxiib la yahiin
wax kastoo la sheego ama qof laga sheego waxaa sal ka ah waxuu qofku yahay sifooyinka suuban ee wasiir faarax leeyahay waxay mudan yahiin in lugu day do ee ma ahan in wanaaga iyo wax qabadnimada cadawtinimo ugu qaadan dad tira yar oo aan dooneyn in dalkaan ay dowlada caadil ah ka dhalato

 

Posted on October 25, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment