Monthly Archives: August 2014

Dhulka Ciriiri Ma noqon, Laakin Quluubtii ayaa Ciriiriyowdey

Dhulka Ciriiri Ma noqon, Laakin Quluubtii ayaa Ciriiriyowdey

Dhulka Ciriiri Ma noqon, Laakin Quluubtii ayaa Ciriiriyowdey

PenSomalia – Dhalmo kasta foolo ayaa ka horaysa, dhulka hooyana foolada nabada waa ku dheeraatay, dhawr jeerna waa ka dhicisowdey. Laakin, balamada Ilaahay uu balan qaaday ayaa ka mid ah in “Dhibka Dheef uu ka Dambeeyo”. Waxaa maalmahan walaac ku abuuray shacabka Soomaaliyeed khilaafaadka ka dhashay maamul goboleedyada laga sameeyay gobolada dhexe iyo gobollada Bakool, Bay iyo Shabeelada Hoose. Khilaafkaas oo hadaan xal loo helin u horseedaayo dagaal beeleedyo hor leh oo dhiig badan ku baxa. Shacabka maanta aad ayay u tabaalaysan yihiin, waxay ka harsan la’ yihiin dagaalka ka dhexeeya dawlada iyo Al Shabaab, haday dagaalo kaloo cusub u soo hergalaan, waxay u horseedaysaa in wadanku galo kooma aan laga kici Karin. Taasoo u sahlaysa dalalka iyo shirkadaha shisheeyaha ee u hanqal taagaaya kheyraadka Soomaaliya in ay siday doonaan ka yeelaan. Tusaale ahaan, Shabeelada hoose waxaa indhaha ku haaya Shirkadaha Dole iyo Del Monte oo aad u rafaadiyay, kuna xad gudbey beeraleyda yar yar oo laf dhabar u ahaa wadamada saboolka ah ee ku yaala Latin America. Read the rest of this entry

Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta – Qeybta Labaad

Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta - Qeybta Labaad

Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta – Qeybta Labaad

Sunday 31 August 2014 PenSomalia  — Qeybtii hore halkaan ka Akhriso ee Qormada waxaan uga soo hadalnay; SIYAASADA (SIYAASI), WADAAD ”CULUMAA’UDIIN”, QABYAALADDA ”QABIILKA”, QABYAALADDA & SIYAASADDA – Tani waa Qeybtii Labaad ee Qormada Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta.

Ayaan nagoo halkii ka sii wadaynaha isku Milan arrimahan, waxaan qaybtan dambe ku qodbi doonaa; Read the rest of this entry

Marxaladda Quusta iyo Is Maqiiqa Maamul Goboleedyada!

Marxaladda Quusta iyo Is Maqiiqa Maamul Goboleedyada!

Marxaladda Quusta iyo Is Maqiiqa Maamul Goboleedyada!

Moment Media Ethics  – Sida aad ciwaankaba ka aragtaan waa laba xaaladood oo midba gaarkeeda u noqon karo ciwaan madaxbaan ”dhammays ah”.

Inaan hal ciwaan ka wada dhigo waxaa sabab u ah saamaynta ay maamul goboleedyadu ku leeyihiin xaaladda quusta ah ee dalka soomaaliya

>>waxyaalaha aan ku faaqidi doono waxaa kamid ah haddii ALLE idmo.-

-SOOMAALIYA waa tuma?.

– Maxay caan ku ahayd, maxayse hadda caan ku tahay?.

– Meeqa mar ayaa la baddaley magaca-buuxa ee dalka, danteese laga lahaa bedalladaa?

– Dhaqan-burbur ”Xeerbeegti-burbur”

– Kala danbayn la’aanta taagan iyo qaar kale oo maamul beeleedyada ku saabsan<<.

Read the rest of this entry

Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta – Qeybta Koowaad

Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta - Qeybta Koowaad

Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta – Qeybta Koowaad

Politics Somalia – 28 August 2014 – Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisid: “Qabyaalad, siyaasad iyo Diin gartaye dhaqanku waa midba?”. Sidoo kale waxaa dhici karta inay ku cuntami waydo Qaabka ay Afartaasi isugu milmi [Qasmi] karaan, haddana, aa dhilee ila dhugo.

DHAQANKA aan qeexee; waa oday dhaqameedka soomaaliyeed, oo inkastoo ay qabiillo matalaan, haddana, si ka gaar ah beelohooda uga wakiil ah siyaasad ku sheegga soomaalidu dhex sabbayneyso.Inta aysan arrimahaan aan kor ku soo xusay isku milmin, mid walba oo kamid ah 4taas waxay lahayd meel gaar ah, oo loogu soo hagaago tusaale:- Oday dhaqameed wuxuu ahaa garcase geed haraca ama gole cayiman fadhiya oo xaajooyin gaar ah loogu yimaado.

Read the rest of this entry

Waxaa na haysata Hogaan-xumi!

imagePenSomalia — Ku dhawaad 30 Sano, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii laba lixaadsanayo Dagaalada Sokeeye ee Dalka ka jira iyagoo marba gashanayo shaati cusub oo ka duwan kii hore, ilaa la isla soo gaaray heer la is yiraahdo, waxaad tahiin Murtadiin ay waajib tahay in la laayo, waxaad tihiin Khawaarij ay waajib tahay in loo kaashado cid walbo xatta Xabasho.

Read the rest of this entry

Xafladda Soo dhaweynta Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee Jaaliyadda Soomalida ee Australia

Xafladda Soo dhaweynta Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee Jaaliyadda Soomalida ee Australia

Xafladda Soo dhaweynta Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee Jaaliyadda Soomalida ee Australia

PenSomalia – Habeenka axadda ee 17ka bisha August, 2014 waxaa magaalada Melbourne ee gobolka Victoria ee wadanka Australia lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweynayo heshiiskii ay saiixeen madaxda soomaliya ee maamul usamaynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa kasoo wada qeyb galay badi jaaliyadda Soomalida ee degen Australia. Waxaana madashaas ka hadlay xubno aad looga yaqaan Jaaliyada soomalida waxayna u rajeeyeen madaxda goboladaas heshiiska gaarey inay keenaan heshiis waara iyo nabad iyo horumar abuuri karana mustaqbal mudnantana siiya dib uheshiisiin iyo dhinaca nabadgelyada.

GEEDDIGU WAA XAGGEE?!

GEEDDIGU WAA XAGGEE?!

GEEDDIGU WAA XAGGEE?!

PenSomalia – Waxaan aad u xasuusnahay 24kii bishii Oktoobar 1969kii. Haweenay ku labbisan guntiino, timuhu qaawan yihiin, garbasaartiina malaha jidka kaga soo luntay ee ordaysa uguna horrayso koox dad ah. Way qaylinayeen, waxayna ka yimaadeen dhinaca Monopolio. Waxay igu dhaafeen dugsigii dhexe, xiligaas, ee ka soo horjeedey wasaaraddi tacliinta. Waxaan malaynayaa inay ahayd maalintii la qaaday bandoowgii Muqdisho lagu soo rogay habeenkii inqilaabka. Waxay jarayeen ubaxii waddada taasoo ay ku muujinayeen taageerada inqilaabka oo aan weli la sheegin hebellada hoggaaminaya, tiradooda iyo siyaasadda ay ku midoobeen dalkana kuwadi doonaan. Abaar ba’an, Xasilooni darro iyo niyadjab baahsan, ayaa dalka ka jirey. Afar sano kadib maalintaas ayaan dalka ka baxay. Kow iyo labaatan sano markay ka soo wareegtay xiligaas ayaan shaashadaha TV-yada ku arkay Muqdisho oo noqotay furin colaadeed, meel walbana ololayso iyo kumanaal haween ah oo muuqaalka iyo orodkaba u eeg gabadhii ubaxa jareysey, hase yeeshee markaan walbahaar iyo argagax qaba, carruurna xambaarsan ama qayb aqalkii kamid ah madaxa ku sida oo qaxaya.
Read the rest of this entry

SIYAASADDA MIYAA QIYAANA AH MISE SIYAASIGAA QAA’IN AH?

SIYAASADDA MIYAA QIYAANA AH MISE SIYAASIGAA QAA’IN AH?

SIYAASADDA MIYAA QIYAANA AH MISE SIYAASIGAA QAA’IN AH?

Friday 22 August 2014 | PenSomalia | Siyaasaddu waa cilmi guda weyn, oo kaligii Sanado badan loo xereysto barashadiisa, qoraal iyo qoraallane laguma koobi karo waxa siyaasadi tahay, laakiin hadaan Soomaali nahay Sawir qaldan baan ka heysanaa Siyaasadda.

Siyaasaddu waa hannaan ama hab caddaaladeed bulsho meel wada dagto loogu qeeybiyo awoodaha siyaasadeed iyo midda kheeyraad ee ka dhaxeeyo bulshadaas, isla markaane waajibaad lagula xisaabtamo loogu dajiyo bulshada. Siyaasadda nuxurkeedu waa mujtamaca oo baraaro iyo barwaaqo la gaarsiiyo. Read the rest of this entry

Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin – Qeybta Kowaad

Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin - Qeybta Kowaad

Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin – Qeybta Kowaad

Thursday 21 August 2014 | RuuxaantaNews|Warbaahinta Casriga ayaan shaki ku jirrin inay saameyn ku yeelatay nolosha iyo asluubka Aadanaha hab wanaag iyo xumaan intaba, Waa Qormo looga hadlayo Musalsalladda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Qoyska .

Read the rest of this entry