Isku dayga cusub ee lagu ridayo Ra’isul wasaare Cabdiwali!! (Xog hoose)

image

Isku dayga cusub ee lagu ridayo Ra’isul wasaare Cabdiwali!! (Xog hoose)

RuuxaantaNews – Xildhibaannada horboodaya Mooshinka xilka looga qaadayo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa waxay wadaan dadaalo ay uga guul gaarayaan qorshahooda, inkasta oo ay caqabad kala kulmayaan Xildhibaanada Ra’isul wasaaraha taageersan oo is hortaagaya in Mooshinka looga doodo Baarlamanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee arrintan laga helay ayaa sheegaya in Xildhibaannada Mooshinka wada ay kulamo gaar ah yeesheen si ay bal u gorfeeyan habka ugu fudud ee ay ujeedadooda ku gaari karaan. Waxayna isla garteen in iyaga ay yihiin Aqlabiyadda Baarlamanka, kuwa ka horjeedana ay yihiin kuwo aad u tiro yar oo aan ku filneyn inay joojiyaan Mooshin ay Aqlabiyadi wadato.

Sidaas darteed waxay Xildhibaanadan isku afgarteen in maadaama Laba jeer oo Mooshinkii la horgeeyay Baarlamaanka ay buuq iyo fowdo ku carqaladeeyeen Xildhibaanno taageersan Ra’isul wasaaraha, aan marka soo socota loo joojin buuqaas, ee si toos ah loo guda galo cod u qaadista Mooshinka.

Ilo warbaahineed oo soo xiganaya dad ku dhaw dhawaa kulanka Xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in Mudanayaashu ay isku raaceen in qaab qarsoodi ah ama qoraal ah ay Mooshinka ugu codeeyaan haddii la carqaladeeyo doodda Baarlamanka ee Mooshinka. Waxayna sidaas ku heshiiyeen iyagoo rumeysan inay yihiin Saddex Meelood meel ka mid ah Baarlamanka inta hadda dalka ku sugan, sidaasna ay Mooshinka iyaga kaligood ku meel marin karaan.

Xildhibaanadan ayaa ugu baaqay Ra’isul wasaaraha inuu xilka iska casilo ka hor inta aan cod loo qaadin xil ka qaadistiisa, waxayna ku adkeysteen inay Mooshinkooda meel marin donaan si kasta oo buuq iyo rabsho looga horkeeno.

Geesta kale, Xildhibaanadan ayaa waxaa la sheegayaa inay taageero joogta ah kala kulmayaan Garabka Madaxweyne Xassan Sheikh ee khilaafkan taagan, waxaana Hoteelada iyo goobaha ay Shirarkooda Mooshinka iyo khilaafka looga hadlayo ku qabanayaan ilaaliya Ciidamo gaar ah oo Madaxtooyada lagasoo diray, sida ay Ilo wareed xog ogaal ah sheegeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad ugu dhag taagaya Mooshinka, wuxuuna u diyaarsanyahay inuu waqti aad u yar gudihiis kusoo magacaabo Ra’isul wasaaraha cusub haddii midka hadda jira xilka laga qaado.

Arrintaas ayeey Ilo Madaxweynaha ku dhaw ku warrameen inuu Mudane Xassan u ballan-qaaday Beesha Caalamka si uu ugu qanciyo in xil ka qaadista Ra’isul wasaaraha aanay caqabad ku keeni doonin socoshada howlaha dowladda.

Posted on November 17, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment